Karrieretag Bremen 2025 – Fursad Dahabi ah oo loogu talagalay Dhalinyarada

Bandhigga shaqo iyo tababarka (Jobmesse) ee Karrieretag Bremen ayaa sanadkan lagu qaban doonaa Khamiis, 18. September 2025, laga bilaabo 10:00 ilaa 17:00 Uhr, goobtuna waa Energieleitzentrale, Speicher XI 11, 28217 Bremen.
Maxaa goobta laga helayaa (Angebote)?
Karrieretag waa Veranstaltung ( munaasabad ama xalfad ) taas oo fursad weyn siinaysa dhalinyarada, ardayda iyo shaqaalaha cusub ee suuqa shaqada ku soo biiraya. Waxa ka mid ah wax yaabaha aad ka helaysid:
- Gelitaanka (Eintritt): Bilaash, qof walbana waa imaan karaa.
- Shaqo iyo Tababar Xirfad (Job & Ausbildung): Kulammo toos ah oo aad la yeelan karto shirkado iyo shaqo-bixiyeyaal.
- Hubinta CV (Bewerbungs-Check): Khubaro dib u eegaya Lebenslauf-kaada (CV) iyo Bewerbungsschreiben (warqadda codsiga).
- Sawirrada Codsigaada (Bewerbungsfotos): Fursad aad ku hesho sawir xirfadeed oo tayo leh oo free ah, yacni bilaash.
- Coaching (Karrierecoaching): Kulan gaaban oo 20 daqiiqo ah oo kaa caawinaya Vorstellungsgespräch (wareysi shaqo) iyo qorsheynta xirfadda (Karriereplanung).
- Vorträge (khudbado): Mawduucyo xiiso leh oo ku saabsan sida : Resilienz (adkaysi shaqsiyeed), Künstliche Intelligenz (KI) iyo shaqooyinka mustaqbalka.
Goobta waxaa si fudud loogu iman karaa:
Sida aad ku imankartid goobta (Anreise)
energieleitzentrale, Speicher XI 11, 28217 Bremen
- Straßenbahnlinie 5 ilaa Waller Ring, ama Buslinien 26/28 ilaa Überseetor, kadibna 5 daqiiqo socod.
- Haddii aad timaado gaariga: ka bax A27, raac calaamadaha Bremen-Überseestadt / Speicher XI, waxaana jira baarkin u dhow.
Faa’iidada dhalinyarnimo ee barnaamijkan (Nutzen für Jugendliche)
Karrieretag Bremen waa meel ku habboon dhalinyarada doonaya inay mustaqbal fiican sameeyaan. waxay dhalinyarada siinaysaa fursad ay ku helaan Networking, tababar ku saabsan Lebenslauf iyo Bewerbung, khibrad Vorstellungsgespräch (wareysi shaqo), iyo sidoo kale fursad shaqo iyo Ausbildung toos ah iyadoo aad si dhow ula kulmaysid shaqo-bixiyayaasha.
Ugu danbeyn:
Dhalinyaro badan oo ku nool Bremen iyo agagaarkeeda waa in ay ka faa’iideystaan fursaddan. Karrieretag Bremen waa albaab kuu furaya shaqo, tababar iyo mustaqbal wanaagsan. Waxaa muhiim ah in aad CV-gaada (Lebenslauf) iyo codsigaaga shaqo (Bewerbungsschreiben) hore u sii diyaarsato, si aad uga dhigto booqashada ada mid wax ku ool ah.
Fursad Dahabi ah, ka faaiideyso insha Aallah
✨ Stay tuned!